Dagmada Gellinsoor
Gellinsoor waa Dagma dhacda dhinaca Waqooyi ee gobalka Galgaduud, waxeena kulmeesaa Labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud waxeena jirtaa dhinaca waqooyi Caasimada Galagaduud ee Dhuusa Mareeb, waxee hoos tagtaa Dowlad Goboleedka Galmudug State
Waa Dagmo dadkeedii sanadihiii Danbo dhisanaya Qurba joogta haba u badnaadeene Bilicda magaalada hada wey ka Qurux badan tahay sidii Hore. guri kasta wuxuu leeyahay 2 ama 3 jid oo midkiiba 13M yahay.
Way burburtay magaaladu wixii ka dambeeyay Dowladii Kaligii Taliska eheed kadib 1993 markii Qabtu dhacday ee Jabhaduhu Qabsadeen gobolada dalka oo dhan.
Waxaa markale Dagmada Dib loo dhisay 1996, waxaana dhisay Dadka Deegaanka ee u Dhashay Dagmada Gellinsoor
Waxaa kow ka ahaa Nabadoonada, Culumada, Dhalinyarada, iyo Ururka Gellinsoor District Women’s Association oo ah urur Haweenka Dagmada leeyihiin oo 4 Sano kahor la aas aasey inta Dowladii Kaligii Taliska eheed dhicin. Dhalinyarada ayaa si xoogan uga Qeyb qaatay Quruxda Dagmada oo Naadiyaasha Halgan Fc iyo Murti Fc dhisey Sanadkii 1997, Labadaas Naadi Halgan Iyo Murti lee ka Jiri jirtay Gellinsoor ilaa 2004 tii kadib wee bateen Naadigayaasha ilaa 6 ee gaareen.
Dagmadu waxee Leedahay Maasajidyo waa weyn waana Ahlu Sunna Waljameeca 100% dadka dagan Gellinsoor, waxaana jira Laba Sheikh oo Waa weyn oo kasoo Jeedaan Dagmadaan oo Gees ka Gees Soomaaliya looga yimaado siyaaradiisa Markii Gellinsoor lagu Dhigaayo.
HORUMARKA
Garsoorka
Deegaanka waxaa ku yaala maxkamad go’aan ka gaari karta dacwooyinka madaniga ah ee bulshada dhex mara oo dadku kalsooni ku qabo ahaydna mid soo jireen ah oo Dadka Dagmada Gellinsoor iskood u maseystey
Aniga ahaan waxay iila muuqatay meesha ugu cadaalada badan ee aan arko intii aan Soomaaliya joogay waxaana taas kuu muujinaya sida dadka deegaanku ugu riyaaqsan yihiin ayna ku xaliso wixii dhaca waxaa lay geeyay guriga ay dagan tahay maxkamaddu xaakinka dagmadu wuxuu ku shaqeeyaa fahanka Diinta Islaamka waana Sheikh weyn oo Caalim ah dadka Deegaankuna Jecelyihiin
Amniga
Meelaha ugu amniga badan dalka ayay ku jirtaa waxaa lay sheegay in uusan 30kii Sano Lasoo dhaafay Qof Qof ku dilin kuna dhaawicin waxyeelana ugeeysan Dagmada Gellinsoor Dhaxdeeda, Inta aad joogto Dagmada dhexdeeda Wax hub ah kuma arkaysid Amniga Magaalada Waxaa Gacan Adag ku Haayo Taliyaha Dagmada Taliye Cabdikariin Ciise Cade.
Waxbarashada
Gudoomiyaha waxbarashada ee Dagmada Gellinsoor waxa waaye Dr Yaxe Sheikh Xasan Jamac waa Dhalinyaro wax badan u qabtay dadkiisa xaga waxbarashada habeen iyo maalina u taagan Hormarinta waxbarashada Gellinsoor iyo deegaanada hoos yimaado Dagmada. Dagmada Gellinsoor Waxaa ka Dhisan Laba School oo Kala ah Gen Caydiid Primary and School iyo Kheyre Primary and secondary school. Waxaa kaloo jiro 5 Private School oo Luuqadaha lagu barto oo Dagmada ku Taalaa iyo Schoolka Caruurta Agoonta iyo dadka Danyarta dhigtaan oo Jaaliyada Dagmada kawar heeso
Waxaa jiro School ee Dhigtaan Maamooyin Dagmada kuwaso Lacag la‘aan ku barta oo Jaaliyada wadanka Germany Dagmadaan u kafaala qaadey.
4jeer oo aan tagay ayaa markii iigu horaysa arkay oo indhaheyga Qabteen Schoolka Caruurta Danyarta ah iyo Agoonta ayaa ahaa wixii iigu farxadda badnaa ee aan arkay subixii arday xiran dhar kala midab ah oo qofba dhinac u socdo si ay u tiigsadaan goobahooda waxbarasho, Sanadkii 2022 ayaa lagu daray dugsi Sadaxaad ee sare oo hadda fasalka 10aad maraya.
Waxaa si gaar ah ii soo jiitay Mama Magaceeda laygu sheegay Caaisha Muumin Abdalla oo da’deedu 40aad ku dhaw oo dhigta dugsiga sare. sanadkaan isla deegaankana dugsiga dhexe uga baxdey oo xiran dharka iskuulka markii aan arkay taas oo aanan magaalooyinka waawayn ku arag.
Caafimaadka
Waxaa Dagmada Gellinsoor ku yaal 2 xarumo caafimaad ah iyo Isbitaalka weyn ee Dagmada Kuwaaso Dadka deegaanka iyo Jaaliyaduba dhisteen oo si wanaagsan Uga howlgala Dagmada hadana Gacanta ku hayaaaay Dhaqaatiirta Dagmada Gellinsoor
Lkn wali deegaanku ma helin Amblance kii Dagmada ka dhax shaqeenayey iyo mid tuulooyin ka kasoo qaado buukanada oo keena
Dagmada
Cayaaraha
Dagmada Gellinsoor waxaa ka dhisan 8 Naadi oo Cayaara Kubadda Cagta kuwaaso dheela heerka koowaad ee Gellinsoor Premier League. waxaa kaloo jira 24 Naadi kuwaasoo Cayaara heera Labaad ee looa qaan Gellinsoor Super Cup.
Gellinsoor Super Cup Naadiga qaada iyo kan Labaad gala baa u gudba Heer Koowaad ee Gellinsoor Premier League kuwaaso Sanadkiiba Laba Mar La dheelo Maadaama Dagmadu Sports ka aad u dheelaan dhalinyarada
Biyaha
Dagmadu waxee Leedahay 5 Ceel oo waaweeyn 3 kamid ah magaalka iska leh 2 na xoolaha maadaama Geeska Magaalku ku yaalo. Guru walba oo Dagmada kuyaalo waxaa ku jiro Tuubo Biyo
Korontada
Dagmada Gellinsoor Xiliyo badan oo koronto la aan ah waysoo Martay lkn hadan 24 Koronto Kama tagto Guri walbana Korontaa ku jirto Dagmada Habeenkii waa Wada iftiiin oo Leerarka Solar baa Jid walba ku xiran oo ka iftiimayo taasaa Waxaa Dadka Dagmadu ugu Mahad celiyeen Jaaliyada Dagmada, Gudoomiyaha Dagmada iyo Hay‘adda Norwey ee arintaan garab weyn la geesatay
Xoolaha:-
Beeraha
Dagmada Gellinsoor dhul beereed ee tahay oo dadka qaar baa beero yar yar leh sida Qara oo kale abuurta lkn badan ma ahan dad beeraha waqti galiyo ama u jajaban wax beerasho oo xoolo dhaqato ee ka jecel yihiin waana dhaqanka Somalida in Gobolba wax ku caan yhy beerasho ama Xoolo Dhaqasho
Maamulka Dagmada ayaa Sanadkiiba Mar tirakooba dadka Dagan Dagmada Kuna Sheegey hada inee yihiin 120.000 bqoql iyo labaatan Kim oo Qof
XARUMAHA BULSHO EE KU YAAL
- Guriga Ummadda “xarunta Dagmada”.
- Guriga Hidaha iyo Dhaqanka
- Maxkamadda Dagmada.
- Saldhiga Boolis.
- Dugsi hoose iyo dhexe.
- Xarumo caafimaad.
- Masaajid aanan tirin.